7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2023
Mucaaradka Puntland oo sheegay madaxweyne Deni inuu abaabul dagaal ka wado Garowe

Khamiis, October, 19, 2023 (HOL) - Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu abaabul dagaal ka waddo magaalada Garowe, si uu awood ugu maquuniyo cid kaste oo kasoo horjeeda damaciisa siyaasadeed.

War saxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen dallada mucaaradka Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu ka shaqeynayo colaad lamid ah middii bishii June ka dhacday magaalada Garowe, taasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 qof.

Dallada Mucaaradka waxay sheegeen Deni inuu dhaqaalihii dowladda ku bixinayo inuu bulshada isaga horkeeno, iyagoo sheegay in shaqaalaha maamulka iyo shakhsiyaad kale lacago lagu siiyay inay baraha bulshada kasoo jaa’ifeeyaan siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waxaan ka digaynaa in ciidanka PMPF ee dowladda Imaaraatku gacanta ku hayso loo adeegsado caburinta shacabka iyo awood maroorsiga. Waxaan aad uga xunnahay in ay ka qeyb qaateen dagaalladii Garowe iyo Bosaso, haddana loo diyaarinayo dagaal hor leh,” ayay yiraahdeen mucaaradka madaxweyne Deni.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne deni oo ay u harsan tahay muddo labo bilood iyo bar ah, ayaa ku adkaysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Xogo la helay waxay sheegayaan in uu wado qorshe ku saabsan in doorashada baarlamaanka dib loo dhigo labo sano. Balse midda madaweynaha iyo ku xigeenka la qabto siddeeda January, laguna doorto codka shacabka.

Xisbiyada isbahaysiga la ahaa madaxweyne Deni ayaa haatan wuxuu shirka uga socdaa magaalada Garowe, iyagoo la sugayo inay soo saaraan mowqifkooda ku aadan arrimaha cakiran ee doorashada Puntland.