7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2023
Madaxdii hore ee dalka oo si adag uga horyimid arrin uu dhawaan shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh
 

Khamiis, October, 19, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen qaar ka mid ah ah madaxdii hore ee dalka ayaa looga soo horjeestay go'aan uu dhawaan qaatay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War murtiyeedka ayaa waxaa si wadajir u soo saaray Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore shariif Sheekh Axmed, guddoomiyeyaashi hore ee Baarlamaanka Fedaraalka iyo Raysal Wasaarayaal hore, kuwaas nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha dowladda Federaalka uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka.

Waxay sidoo kale sheegeen masuuliyiinta hore ineysan suurta gal aheyn in dalka uu yeesho nidaamka Madaxtooyada ee Madaxweyne, iyo Madaxweyne ku xigeen iyo labo xisbi oo kaliya, iyagoo caddeeyay in madaxweynaha uu ka baxay balanqaadkii Shirkii Decale ee 11-12 July 2023.

Masuliyiintaan hore ayaa sidoo kale sheegay inaan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo talo aan loo dhameyn oo ay tilmaameen iney dalka u keeni karto qalalaase siyaasadeed iyo kala qobnaan.

Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uusan isku dayin muddo kororsi sharci darro ah oo loo sameeyo dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo dhameystiran:-