7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2023
Ciidamada ATMIS oo saldhigoodii degmada Raage Ceelle ku wareejiyay ciidanka dowladda
 

Khamiis, October, 19, 2023 (HOL) - Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa saldhigii ay ku lahayeen degamada Raage ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday gudaha saldhiga degmadaas oo ay ciidanka ATMIS ku wareejinayeen saldhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwa ciidanka xoogga dalka iyo maamulka degmada Raage ceelle.

Ciidamada Burundi ee wareejiyay saldhigoodii degmada Raagge ceelle ayaa la sheegay iney ka howlgali doonaan gobolo kale oo ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya.

’’Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah si ay u xoojiyaan ammaanka"ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay ATMIS

Talaabadaan ayaa sidoo kale la tilmaamay iney la xariirto hakad galinta bixitaanka ciidamada ATMIS ee mudada sadaxda bilood ah oo ay dowladda Fedaraalka Soomaaliya bishii hore codsatay, xili saldhigyada qaar ciidanka ATMIS ka baxeen bilahii lasoo dhaafay.