7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo odayaasha Koonfur Galbeed weydiistay inay ku taageeraan dagaalka Alshabaab

Khamiis, October, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xalay la kulmay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed.

Madaxweynuhu Xasan sheikh wuxuu kala hadlay  qorshaha qaran ee dabar-goynta Alshabaab iyo xoreynta dalka. Wuxuu sheegay in ay ka go'an tahay dagaalka  Al-shabab iyo in dalka laga xoreeyo.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in abaabulka dadweynaha reer Koonfur Galbeed uu muhiim u yahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taasoo uuu sheegay inay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay'adaha Koonfur-galbeed.

Sida ay madaxtooyadu sheegtay, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa madaxweynaha u sheegay in ay ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyagoo ammaanay ka go'anaanshaha madaxweynaha ee ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah Alshabaab.

Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayuu madaxweynuhu uga dhawaaqayaa magaalada Baydhabo, xilli wajigii koowaad aan lagu guulaysan in Alshabaab laga xoreeyo Galmudug iyo Hirshabeelle. Alshabaab ayaa weli ku sugan dhul badan oo katirsan Labada maamul.