7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2023
Xildhibaan ka tiraan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga reebay diyaarad u socotay Baydhabo oo siday Meydka ina adeerkiis

Khamiis, October, 12, 2023 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo diiday inuu u safro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaan Cabdullaahi Black ayaa sheegay in laga reebay diyaarad siday meydka marxuum Maxamed Xasan Yuusuf oo uu xusay Xildhibaanka inuu ahaa ina adeerkiis, islamarkaana uu doonayay inuu wax kasoo aaso marxuumka.

"Anigoo diyaarada saaran ayaa waxaa ii yimid nin Sarkaal Booliis ah oo igu yiri Xildhibaane diyaarada hadii aad raacdo waxaa nalo sheegay in Baydhabo laga soo celinayo, iyadoo cidna ka dagin xata meydka oo wiilasha diyaarada ka masuulka ah way ka xishoodeen amarkaas ayaana lasoo siiyay, anigana marxuumka ilma adeero ayaa nahay waxaana ka mid ahaa dadka hormuudka u ahaa marxuumka aaskiisa inuu ka dhaco Baydhabo, maadama uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay deegaankaas" Xildhibaan Cabdullahi Black.

Xildhibaan Black ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wax ka qabto dhibaatadaan oo uu tilmaamay in isaga qudhiisa horay ugu geysteen madaxdii dowladii hore oo ka hor istaagtay dhowr safar oo uu ka mid ahaa safarkiisii Baledweyne.

"Madaxweyne Xasanoow adigoo isbadal ku yimid oo horay u arkay dhibaatada ay ledahay safar la iska hor istaago in wali arintaasi ay sii jirto mahan wax wanaagsan"ayuu yiri Xildhibaanka.

Gabagabadii Xildhibaam Black ayaa kamid ah xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Laftagareen, wuxuuna qayb ka yahay xubnaha dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho.