7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo golaha wasiiradda uga warbixiyay guusha uu ka gaaray dagaalka Alshabaab
 

Khamiis, October, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo muddo labo bilood ah waqtigiisa kusoo qaatay magaalada Dhuusomareeb, dibna ugusoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa golaha wasiirrada la wadaagay guulaha uu ka gaaray howlgallada Shabaab dalka looga sifaynayo.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Alshabaab laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga taakulaynta Ciidmada iyo guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Alshabaab, kuwaas oo uu sheegay inay gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.