7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2023
Ciidamada dowladda oo si buuxda ula wareegay deegaanka Ciid ciidka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Khamiis, October, 12, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay ku guuleysteen in kooxda Al-shabaab ay ka saaraan deegaanka Ciid ciidka oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa dhulka howdka ah ee deegaanka Ciid ciidka ku jiray xubno ka tirsan kooxda Shabaab, hayeeshe duqeymo iyo dagaalo isdaba joog ah oo ay kala kulmayeen ciidamada iskaashanaya ugu dambeyn kooxda laga saaray dhulka howdka ee Ciid ciidka.

Dhulka howdka ee deegaanka Ciid ciidka ayaa sawiro laga soo qaaday waxaa ay muujinayeen godad badan oo ay kooxdu ka qodatay dhulka, taasi oo qeyb ka aheyd in Al-shabaab sidii looga saari lahaa Ciid ciidka iney waqti badan qaadatay.

Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo culus ku garaacay xubnaha Shabaabkii ku jiray godadka ay qoteen, iyadoona ciidamada iskaashanaya ay weerar dhinaca dhulka ah ayey maalmo badan ku hayeen aagaga ay kooxdu ka qodotay godadka waa weyn.

Ugu dambeyn ciidamada is garabsanaya ayaa haatan ku sugan dhulka howdka ah ee deegaanka Ciid ciidka ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo mudo bil ku dhaw uu ka socday dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.