7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2023
Mucaaradka Puntland: Puntland way burburaysaa haddii madaxweyne Deni uu qaban waayo doorashada
 

Arbaco, October, 11, 2023 (HOL) - Maalintii labaad waxaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ka socda shir ballaaran oo ay mucaaradka Puntland isugu yimaadeen, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashada.

Qaar kamid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay madaxweyne Siciid Deni haddii uu 1-da January, 2024 qaban waayo doorasho, in ay Puntland burburidoonto.

Siyaasiyiinta mucaaaradka oo u badan musharraxiin u taagan xilka madaxtinimada ayaa waxay digniin adag u jeediyeen baarlamaanka Puntland, iyagoo uga digay in ay ku dhaqaaqaan tallaabo kaste oo mugdi galin karta doorashada loo madlan yahay siddeeda January.

Waxay si gaar ah musharraxiintu uga digeen baarlamaanka inuu muddo kororsi u sameeyo madaxweyne Deni, taasoo ay sheegeen inay Puntland u horseedi karto qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

Waxay kaloo sheegeen musharraxiintu haddii madaxweyne Deni uu 31-da bisha November kusoo magacaabi waayo guddiga xulista baarlamaanka, in ay musharraxiintu iyagu soo magacaabi doonaan.

Hadalka musharraxiinta ayaa yimid, iyadoo galinkii dambe ee maalintii shalay uu madaxweyne Deni dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kaddib muddo bilood ka badan oo uu ku maqnaa dalka dibbadiisa.