7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2023
Dowladda Qatar oo soo dhaweysay dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto nabadda iyo xasiloonida
 

Arbaco, October, 11, 2023 (HOL) - Dowladda Qatar ayaa soo dhaweysay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo gaari lahaa nabad, xasillooni, la dagaallanka Alshabaab, horumarinta xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo bulsho,

Xoghayaha Xafiiska Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga, Sheikh Jassim bin Abdulrahman Al Thani, ayaa hadalkan sheegay, intii uu socday wadahadal uu la yeeshay khabiirka madaxa banaan ee xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyadoo qayb ka ahayd kalfadhiga 54-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva.

War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay siyaasadda ee ay dejisay dowladda Soomaaliya si loola dagaallamo isbeddelka cimilada, loo yareeyo saameyntiisa, loogana hortago saameynta xun ee ay ku leedahay xuquuqda aadanaha.

Waxay sidoo kale ku dhiirigelisay dowladda Soomaaliya inay sii waddo wadahadallada lagu xoojinayo dib-u-heshiisiinta qaranka ee dalka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay aad u daneyneyso in Soomaaliya ay siiso taageerooyin kala duwan si ay u sii joogteyso guulihii ugu dambeeyay ee la gaaray.

Bishii June ee sanadkii hore, Doha waxay martigelisay shirkii saddexaad ee kooxda Quint Group on Somalia, iyadoo looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee hadda, iyadoo ay barbar socoto sidii kor loogu qaadi lahaa isku-xirnaanta iyo sidii loo heli lahaa xasilloonida dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana loogu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada bini’aadantinimo iyo kuwa horumarineed iyo sidoo kale kaalmo farsamo oo lagu xoojinayo xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya.