7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2023
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo magacaabay Guddiga adeegga tartanka Xajka
 

Arbaco, October, 11, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali Mansuur ayaa magacaabay guddiga qabanaya tartanka adeega Xajka sanadka soo socda ee 1445/2024.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah guddigii hore ee la kala diray.

Guddigaan cusub ee la magacaabay ayaa guddoomiye waxaa looga dhigay Maxamed Xaaji Ibraahin Cali, waxaana guddoomiye ku xigeenka loo magacaabay Cabdinuur Macalin Maxamed, iyadoo xoghayaha guddiga cusub ee adeegga Xajka loo magacaabay Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Wasiir Mukhtaar Roobow Cali.

Guddigaan ayaa wareegtada lagu sheegay iney ka shaqeyn doonaan tartan lagu kala saarayo shirkadaha, wakaaladaha iyo xamlooyinka tartamaya, iyagoona soo saari doona shirkadaha ku guuleesta u adeegida xujeyda sannadka dambe ee soo socda.

Hoos ka akhriso Wareegtada Magacaabista Guddigaan oo Dhameystiran:-