7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2023
Weerar lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Cadalle
 

Arbaco, October, 11, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay lagu dilay sadax ruux oo shacab ah oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaan lagu dilay sadaxda ruux oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada laba garas iyo Ceel muluq oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadalle ee gobalka Shabeellaha dhaxe.

Sadaxda qof ee Xalay la dilay ayaa la sheegay in dhamaantood yihiin dhalinyaro, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dilka ragaan uu salka ku haayo arrimo la xariira aargoosi aanooyin qabiil, waxaana xusid mudan in maleeshiyaadkii dilka geystay ay isaga baxsadeen goobta.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka degmada Cadalle oo ku aadan weerarka Xalay lagu dilay dadkaan shacabka ah.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan deegaanka Burka Diirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinaayay beelihii ku dagaalamay dhawaan deegaanada hoostaga degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.