7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2023
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta shirweynaha caafimaadka Adduunka

Arbaco, October, 11, 2023 (HOL) - Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa shir gudoominayay kalfadhigii 70-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kalfadhigan ayaa looga hadlayaa sidii loosii amba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaadka, guud ahaan Bariga iyo bartamaha, iyadoo la hubinaayo gaarsiinta Caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka.

Shirkaan oo ka dhacay Caasimadda Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qeb galay Madax kala duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda ka taagan dhulka falastiin isagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumarada laga sameeyay caafimaadka Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh iyadoo la raacayo nidaamka hirgilinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay.

Shir weynahaan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kala duwan oo muhiim ah iyado lasoo gabagabeyn doono maalinta khamiista.