7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 1 , 2023
Ciidanka dowladda oo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku fashiliyay degmada Doolow

Axad, October, 1, 2023 (HOL) - Ciidamada amaanka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ay kooxda Al-shabaab dooneysay iney gudaha u galiso degmada Doolow.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameyeen duuleedka degmada Doolow ku qabtay gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo noociisu lagu sheegay inuu yahay kan Soomaalidu u taqaano Homey.

Gaarigaan ayaa waxaa ku rarnaa caagadaha loo yaqaano labaatan laha ama jiirgaanka oo ay ku jireen waxyaabaha qarxa iyo agab kale oo ay rasaas ka mid aheyd.

Guddoomiyaha degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay ciidanka amniga fashilinta gaariga qaraxa ku rarna, isagoona kula dardaarmay Booliska iyo Nabadsugida degmada iney joogteeyaa shaqada ay hayaan, islamarkaana muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah.

Fashilinta gaarigaan laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ay kordhisay weerarada qaraxyada ah oo ay u adeegsaneyso gawaarida laga soo buuxiyo waxyaabaha qarax, iyadoo todobaadkan gudahiisa kooxda weeraro qaraxyo baabuur ah ka kala geysatay magaalooyinka Buula burte iyo Dhuusamareeb ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.