7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 1 , 2023
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo racfaan ka qaatay xukunnadii maxkamadda gobolka Banaadir
 

Axad, October, 1, 2023 (HOL) - Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii maxkamadda gobolka Banaadir kasoo baxay, kaasoo dambi loogu waayay qaar kamid ah masuuliyiintii lagu eedeeyay musuq maasuqa iyo ku tagri fal awoodeed.

Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay, inuu xafiisku isku dubariday racfaanka uu ka qaatay xukunnada ay maxkamaddu ridday todobaadkii hore.

Xukunkaas ayaa qeyb kamid ah masuuliyiintii loo haystay musuq maasuqa, waxaa lagu sheegay in lagu waayay wax dambi ah, halka qaar kalena lagu xukumay xabsiyo dhaadheer, iyo in Dowladda aysan shaqo ka qaban karin.

Warka kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha  guud ayaa kusoo beegmay, iyadoo qaar kamid ah masuuliyiintii dambiga lagu waayay ay weli xiran yihiin, arrintaas oo ay cabasho kasoo saareen qareenada iyaga u doodayay.

Maxkamadda ayaa horey u amartay in dadka dambiyada lagu waayay loosoo celiyo xorriyadooda, balse ma aysan dhicin, waxaana xusid mudan in qaar kamid ah kuwa dambiyada lagu waayay ay dowladdu horey uga qaaday xilalkoodii, iyadoo dad kale loo magacaabay.