7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 1 , 2023
Kenya oo sheegtay inay gudaha Soomaaliya ku ugaarsan doonto dadka maalgaliya Alshabaab
 

Axad, October, 1, 2023 (HOL) - Wasiirka gaashaandhiga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda Kenya ay meel kaste ku bartilmaameedsan doonto shaqsiyaadka maalgeliya kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay dalka Kenya ka wadaan, isagoo sheegay in laga adkaan doono kooxaha carqalada ku ah ammaanka dalka Kenya.

“Waanu ugaarsan doonnaa argagixisada xataa Soomaaliya gudaheeda. Waxaan kula macaamili doonnaa gudaha iyo dibadda dalkayaga."ayuu yiri Aadan Ducaale.

Ducaale ayaa ku adkeystay in kooxaha amnigu ay si adag uga shaqeynayaan sidii ay uga adkaan lahaayeen mintidiinta iyo sidoo kale in ay bartilmaameedsanayaan maalgeliyayaashooda.

Wuxuu sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin uu ballan qaaday in Dowladda Kenya ay ka taageeridoonaan la dagaalanka argagaxisada dalka iyo gobolka xilli uu dhawaan socdaal ku tagay dalkaas.

“Waxa uu halkan joogay laba maalmood. Waxaan wadaagnaa sirdoonka, waxaan ka wada shaqaynaa dalka, gobolka iyo Geeska Afrika si aan si go'aan ah uga hortagno kaabayaasha argagixisada,” ayuu hadalkiisa ku daray Ducaale.