7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 1 , 2023
Hoobiyeyaal khasaare geysatay oo lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
 

Axad, October, 1, 2023 (HOL) - Dadka ku nool degmooyinka Kaxda, Wadijir iyo Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa saakay aroortii hore mar qura kuso toosay dhawaqa madaafiic ku dhaceysa qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinkaas.

Madaafiicdaan oo jugtooda si weyn looga maqlay degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Baanadir ayaa lasoo warinaya in qaarkood ay geysteen khasaaroyin kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Meelaha haatan la xaqiijiyay in hoobiyaasha qaarkood ay ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir iyo xaafado kale oo ka tirsan degmooyinka Kaxda iyo Dharkenleey.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaan lagu gaaracay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, hayeeshe sawiro hordhac ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaayay burburka guryo ay ku dhaceen madaafiicda.

Majjrto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha aroornimadii hore ee saakay lagu gaaray qeybo ka mid ah Muqdisho.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan sheegata masuuliyada weerarada madaafiicda loo adeegsado ee lagu garaaco gudaha magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan madaafiicda waxyeelada ugu badan ay kasoo gaarto dadka shacabka ah.