7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 1 , 2023
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Diinsoor oo Madaafiic ku garaacay Saldhigyada Al-Shabaab

Axad, October, 1, 2023 (HOL) - Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu soo waramayaa in ay Madaafiic ku garaaceen deegaano ka tirsan gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada Diinsoor ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay degmada Diinsoor. Duqeynta ayaa timid kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen weerar.

Dadka tuulada ayaa ka soo baxay guryahoodii iyagoo ka baqaya weerar rogaal celis ah oo Al-Shabaab ku soo qaadaan. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaafiicda ay ku garaaceen ciidamada Itoobiya.

Deegaannada ku yaalla duleedka degmada Diinsoor ayaa waxaa gacanta ku haya Al-shabaab, waxaana tuulooyinka iyo tuulooyinka hoostaga degmada ay go’doomiyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa XDS.

Al-Shabaab ayaa bartamihii bishan weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliya. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay dhowr askari.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay ku dileen 167 askari oo Itoobiyaan ah, ayna burburiyeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay qabsadeen hub iyo saanad kale.