7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2023
SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay dagaal ka dhacay deegaanka Yeyle ee gobolka Sool
 

Arbaco, November, 8, 2023 (HOL) - SSC-Khaatumo ayaa dagaal saaka ka dhacay deegaanka Yeyla ee gobolka Sool ku eedaysay Somaliland, iyada oo sheegtay in Somaliland ay dagaal beeleed adeegsanayso.

Qoraal kasoo Xoghayaha Amniga iyo Difaaca Maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu yidhi "Waxay saaka maleeshiyaadka argagixisada Somaliland weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamada difaaca SSC-Khaatumo ee aaga deegaanka Yeyle ee gobolka Sool".

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo heegan buuxa ku jiray ay iska caabiyeen maleeshiyaad weerar kusoo soo qaaday.

"Maamulka Hargeysa farsamada cusub iyo dadaalka Muuse ku bixinayo in dagaalka loo badalo dagala beeleed iyo isku dhufashada beelaha daaqsin wadaaga ah ma aha mid maamulka Ssc-khaatumo iyo caalamkaba lagu khaldi karo" ayaa lagu yidhi qoraalka SSC-Khaatumo.

Ugu danbayn, SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay in ay caqabad ku tahay nabada sida lagu sheegay qoraalka.