7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo markale shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha
 

Arbaco, November, 8, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha hay'adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle oo xalay warbaahinta kula hadlay xarunta howlgalada gurmadka deg dega ah ee NEOC ayaa ka warbixiyay xaaladda daadadka ku dhuftay qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Gudoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in roobabkii ka da'ay qaar ka mid ah gobolada dalka iney geysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhawaac, barakac iyo burbur hantiyadeed, islamarkaana dadka ay saameyeen roobabkaan ay gaarayaan 850,000 oo qof, halka ay ku dhinteen dad gaaraya 29 ruux.

"Dadka ay saameysay illaa 850,00 qof, dadka ku barakacay daadadka iyo fatahaada waxay gaaracayaan 305,000 qof. Gobollada ugu daran ee ay saameysay waa Gedo ee Jubbaland, Mudug ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed wey saameysay dhamaan” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Guddoomiyaha hay'adda Maareynta iyo masiibooyinka Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatada meelaha ugu daran ay ka jirto iney ka mid yihiin gobolada Gedo, Baay, iyo Bakool.

"Deegaanada ugu daran ee si ba’an u saameyeen roobabka waxaa ka mod aj magaalooyinka Garbahaaray, Baardheere, Ceelwaaq iyo Luuq oo Gedo ah, sidoo kale deegaanada Baay ka saameysay waa Baydhabo, Buur hakaba, Bardaale iyo Qansax-dheere" ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Gabagabadii guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si aad ah uga taxadaraan xaalada haatan dalka ka jirta ee ka dhalatay daadadka iyo fataahadaha wabiga ee is barbar socda, isagoona sidoo kale dalbaday in dadka Soomaaliyeed  ay is caawiyaan oo ay isku gurmadaan.