7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2023
Gabar Soomaali ah oo loo doortay duqa magaalo ka tirsan Mareykanka

Arbaco, November, 8, 2023 (HOL) - Magaaladii ugu horeysay ee dalka Mareykanka ayaa lagu doorto duq magaalo gabar Soomaaliyeed oo Mareykan ah.

Nadia Maxamed, ayaa cod aqlabiyad ah kaga guulaysatay Dale A. Anderson, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah oo duqa magaalada loo doorto iyo sidoo kale duqii ugu horreeyay ee Madow ee St. Louis Park.

Nadia oo 27 jir ah, ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

"Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna" ayay Nadia u sheegay boqollaal kamid ah taageerayaasheeda.

Duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameynd, ayaa taageeray Nadia, kahor inta aysan Nadia ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan.

Nadia ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.

Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas.