7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2023
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha

Axad, November, 5, 2023 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana  halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da'aya inta badan gobolada dalka.

”Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogg leh oo ka da’aya gobolada dalka, xog aan hayno dhimashu waa ilaa 10 qof" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaare ku xigeenka dalka in dowladda Fedaraalka ay ku jirto dadaalo la xariira sidii gurmadyo loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen dhibaatada fatahaadaha iyo roobabka ka dhashay..

Gabagabadii Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iney taageero iyo garab istaag u muujiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay daadadka iyo fatahaadaha ee xaaladaha deg deg ah ku jira.