7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2023
Soomaaliya oo si rasmi u shaacisay inay u tartamayso inay xubin ka noqoto golaha ammaanka

Axad, November, 5, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa u tartamaysa kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kurasigaas oo haddii ay Soomaaliya ku guulaysato joogi doonto illaa 2026.

Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doono waddan ku yaal Bariga Afrika.

21-ka bishan, Soomaaliya ayaa rajo waxay ka qabtaa in Midowga Afrika uu u ogolaado Soomaaliya in ay noqoto Musharaxa Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.

Qoraal kasoo baxay howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waa lagu aamini karo in ay hormuud ka noqoto Ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi'da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah.

Doorashada kursigaan oo qeyb ka ah shan kursi oo aan joogto ahayn, ayaa la qaban doonaa bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waddamada ku guulaysta waxay kamid noqon doonaan toban waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka, muddo labo sano ah, oo ah Janaayo 2025, illaa 2026.

Shanta kursi: kursi Afrika, kursi Asia-Pacific, kursi Latin America iyo Caribbean iyo labo kursi oo ah Galbeedka Yurub iyo waddamo kale.

Dhawaan, Soomaaliya ayaa dalka Tanazia uga tanaasushay tartanka doorashada madaxweynaha baarlamaana adduunka, oo ay ku guulaysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania.

Soomaaliya waxay sheegtay in ay Tanazia heshiis kula gashay in kursiga yaala golaha ammaanka ay kala shaqeyso sidii ay Soomaaliya ku guulaysato.