7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2023
Dad ku dhintay Roobab dabeylo watay oo ka da'ay magaalada Gaalkacyo

Axad, November, 5, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya roobab xoogan oo geystay khasaare kala duwan oo Xalay ka da'ay  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Roobabka Xalay ka da'ay gudaha magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 2 ruux.

Waxaa sidoo kale roobabka oo watay dabeylo xoogan ay burburiyeen guryo aad u farabadan oo ay daganayeen dad shacab ah.

Sawiro iyo Muuqaalo laga soo duubay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa muujinayay baaxada biyaha ka dhashay roobabka Xalay ka da'ay magaaladaasi oo tuban wadooyinka magaaladaas.

Si kastaba ha ahaatee maalmahii lasoo dhaafay roobabka lixaadka leh ayaa ka da'ayay inta badan golada dalka, waxaana xusid mudan in magaalooyin ay ka mid yihiin Baydhabo, Baledweyne, Ceelwaaq iyo Baardheere iney ka dhaceen dhawaan daadad khasaare geystay oo ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da'aya.