7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2023
Wasaaradda gaashaandhigga oo sheegtay inuu bilowday baaritaaan ku saabsan dhacdadii garoonka diyaaradaha Jowhar

Axad, November, 5, 2023 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inuu bilowday baaritaan ku saabsan sababtii ka dambeysay in guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle lagu rasaaseeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in falka lagu beegsaday guddoomiyaha baarlamaanka uu yahay mid nasiib darro ah oo lid ku ah hab dhaqanka ciidanka xooggga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dabeeyeen falkaasi.

Wasaaradda gaashaandhiggu waxay sheegtay marka baaritaanka la dhameeyo in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeni doono askartiii falkaas ka dambeeysay, si dambigooda loogu qaaado.

Wasaaradda Amniga gudaha Hirshabelle ayaa sidaas oo kale cambaareysay weerarka loo geystay kolonyo galbinaysay guddooomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle, Luqmaan Xaaji Maxamuud, weerarkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen ciidanka Madaxtooyada Hirshabelle.