7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2023
Dad ku dhintay fatahaado ka dhacay Dowlad degaanka Soomaalida

Axad, November, 5, 2023 (HOL) - Roobab waawayn oo maalmahan ka da'ayay qaybo kamid ah degaanka Soomaalida ayaa waxay keeneen inay fatahaad sameeyaan qaar kamid ah Wabiyada waawayn ee mara dowlad degaanka Soomaalida, fatahaadaas oo sababay khasaare nafeed iyo mid barakac.

Haddaba Wasiir ku xigeenka Xafiiska Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Degaanka Soomaalida Bashiir Xuseen Cilmi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in roobab waaweyn oo daadad wata ay ka da'een qaybo kamid ah degaanka Soomaalida, kuwaas oo keenay fatahaado kala duwan.

Masuulku waxa kale oo uu sheegay in goobaha ay fatahaaduhu ka dhaceen ay badan yihiin oo ilaa 16 degmo ay ka dhaceen fatahaado kala duwan, balse ay hadda ay usii daran yihiin degmooyinka kala ah Doolo caddo, Qallaafo iyo Iimey galbeed.

Dhanka khasaaraha kala duwan ee ay sababeen fatahaadahani waxa uu masuulku sheegay in ilaa 15 qof ay siyaabo kala duwan ugu dhinteen fatahaadahan, isla markaana ay ku barakaceen qoysas gaaraya ilaa 11 kun oo qoys, dhanka xoolaha waxa uu masuulku sheegay in ilaa 3320 neef ay ku dhinteen fatahaadahan, sidoo kale dhul beereed gaaraya ilaa 8400 hektar ayay fatahaadahani saameeyeen.

Dhinaca gurmadka dadka ay fatahaadahani saameeyeen masuulku waxa uu sheegay in gurmad kala duwan oo isugu jira Raashin iyo agabyo kale markii horeba lagu diyaariyay magaalooyin dhowr ah oo u dhow goobaha ay fatahaaduhu saameeyeen, halkaas oo masuulku xusay in looga daabulayo lana gaarsiinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, inkastoo oo uu sheegay in goobaha qaar ay adag tahay sidii loo gaadhsiin lahaa maadaama jidkii loo marin lahaa ay xidheen fatahaaduhu.

Ugu dambayn Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in dadka looga baahan yahay gaar ahaan dadka ka ag dhow goobaha ay fatahaaduhu soo gaari karaan inay ka fogaadaan goobahaas oo naftooda iyo xoolahoodaba ay kala fogaadaan meelaha la is odhan karo fatahaad ayaa ka dhici karta ama way soo gaari karaan.