7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2023
Somaliland oo cambaaraysay ku biirida Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC)
 

Sabti, November, 25, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa ka biyo diiday ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda, ayaa lagu cambaareeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka, iyada oo lagu sheegay in ay tahay talaabo lidi ku ah madaxbaannida Somaliland.

"Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxa aanu aaminsanahay in ay tahay meel ka dhac cad oo loo gaystay madaxbannaanida Somaliland".

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland anay qayb ka ahayn Soomaaliya tan iyo 1991, isla markaana Soomaaliya anay sheegan karin dhulka Somaliland, oo anay meelna ku matali karin, isla markaana ay tahay arrin sharciyada lidi ku ah.

"Waxaanu ugu baaqaynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Bulshada Bariga Afrika, in ay aqoonsadaan aqoonsiga gaar ka ah ee Somaliland, iyo madaxbannaanideeda. Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC, waa xabaal cadaalad daro taasi oo xagaldaacdinaysa sharciga caalamiga ah".

Ugu danbayn, waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka go'antahay in ay si nabad ah oo waxtar leh ula shaqayso beesha caalamka, isla markaana ay raadinayso xal cadaalad ah oo siiya madaxbannaanideeda.