7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta furay kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya
 

Sabti, November, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa  soo bandhigay hiigsiyada qaran oo ay dadaalka ku bixisay dowladdiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay juhdi badan ku bixisay cafinta deynta lagu leeyahay dalka, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xureynta deegaano badan oo ku jiray gacanta kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha in sanad gudahiisa laga guul gaaray inta badan arrimaha la xariira dibadda iyo beesha caalamka, hayeshee shacabka Soomaaliyeed haatan looga fadhiyo iney ka libin keenaan qorsheyaasha u gaarka ah ee ku aadan dhameystirka dastuurka dalka, nabada iyo xureynta.

“Baarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashaa in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dhammeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamisho" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay dowladda Fedaraalka horumarinta dalka iyo kor u qaadista nolosha dadka Soomaaliyeed iyo waliba ciribtirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

“Afartii bilood ee ugu dambaysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid hawl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024 ay gaarto in ka badan hal bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in xal waara laga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka maamulada Puntland iyo Soomaaliland.