7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2023
Wasiir Kaahin: Madaxweynuhu cod ayuu ku imanayaa codna wuu ku tagayaa, waxba kama badali karno
 

Sabti, November, 25, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo u jawaabay xisbiga Waddani ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu cod ku yimid codna ku tagayo.

Wasiir Kaahin oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in nidaamka Somaliland aan qori caaradii lagu badali karin, isla markaana madaxweynuhu uu kursiga ku imanayo cod shacab.

"Cida halkaa fadhiisata cod qaranku leeyahay ayuu ku yimaad, xeer qaranku leeyahayna wuu ku tagaa, aniga ayaan waxba ka badali karin, Muuse Biixi oo maanta madaxweyne ahina ma dabadali karo" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay cidkasta oo isku dayda in ay wax ka badasho nidaamka lagu soo doorto ama uu ku tago madaxweynuhu in ay tahay cid doonaysa in ay burburiso nidaamka Somaliland.

"Qola reer hebela iyo cirka soo dhacaya iyo, qiimo kasta oo ay ku kacayso waa la dagaalamayaa iyo, aniga iyo xisbiga meelna gaadhsiin mayso, qolada waxa lehna dadka maqlaya anagu ma nihin" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Xisbiga Waddani ayaa ka biyo diiday muddo bil ah oo golaha guurtidu dib u dhigay ansixinta xeerka doorashooyinka, isaga oo ku tilmaamay qorshe la doonayo in doorashada dib loogu dhigo.

Dhica kale, xukuumada Somaliland ayaa maanta Golaha Guurtida ugu baaqday in uu dadajiyo ansixinta xeerka doorashooyinka, iyada oo sheegtay in ay daacad ka tagay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.