7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2023
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka oo shaaciyay in Dastuurka dalka la dhameystiri doono
 

Sabti, November, 25, 2023 (HOL) - Gudoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta ka hadlaayay furitaanka Kalfadhigga 4-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa shaaciyay in Baarlamanka uu isku dayi doono in wax laga badelo Dastuurka dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay in Kalfadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka inta badan diiradda lagu saari doono arrimaha Dastuurka iyo sidii loo dhameystiri lahaa qabya qoraalkiisa.

“Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka waxaa looga doodayaa cutubyada Dastuurka KMG ka ah, dhamaan xildhibaanada sharafta leh waxaan kula dardaarmayaa in Kalfadhigaan 4-aad ee maanta inoo furmaya u dhabar adeegaan juhdi badana ay geliyaan ka doodista dastuurka, si uu dastuurkeena uga baxo kumeel gaarnimada” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ugu baaqay mudanayaasha Baarlamaanka iney muhiimad gaar ah siiyaan fadhiyada soo socda ee Golaha Shacabka oo uu xusay in lagu go'aaminayo Dastuurka.

Dhanka kale gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlaayay furitaanka Kalfadhiga afaraad ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay dhameystirka Dastuurka dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi in Dastuurka uu noqday mashruuc furan oo qarash farabadan ku baxo, hadana aysan muuqan hanaankii uu ku dhameystirmi lahaa.

“Dastuurka Soomaaliya wuxuu noqday kan ugu waqtiga dheer ugu qarashka badan uguna khaladaadka badan, waa inaan ka shaqeyna sidii qabyada looga saari lahaa oo loo dhameystiri lahaa" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Hadalada maanta kasoo yeeray guddoonada labada Aqal ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda federaalka ay haatan ku howlan tahay wax ka badalka Dastuurka, taasoo uu hormuud u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan shaaciyay inuu dalka u guurayo nidaam cusub oo ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.