7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan iney wax la wadaagaan 300 Milyan oo ruux"
 

Sabti, November, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada daladda bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu horeyn ugu hambaleeyay shacabka Soomaaliyeed ku biirista daladan ayaa sheegay in fursad ahaan wax badan soo kordhineyso ku biirista daladan, isagoo xusay in dalka uu dhex ceegaago kheyraad baaxad leh oo ku jira Badda iyo Biriga.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay madaxweynaha in dadka Soomaaliyeed ay u diyaar garoobaan la macaamilka bulsho gaareysa 300 oo Milyan oo kasoo jeeda dalalka ku mideysan daladda bulshada Bariga Afrika oo tiradoodu haatan noqotay sideed dal, kadib ku biirista Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed ha u diyaargaroobaan in ay wax la wadaagaan 300 Milyan oo ruux, waxa uu suuqaan kasoo billawdaa Badda Atlantic waxa uu gaaraa ilaa Badweynta Hindiya iyo Badda Cas,  Dal macno badan oo wax badan soo kordhin doonna ayaan nahay waa nalaga faaiidi doonnaa anagane sidoo kale waan faaiidi doonnaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ku biiri doonto Suuqyo kale oo muhiim, isagoona ugu dambeyn kula dardaaray dadka Soomaaliyeed iney la tartamaan dhigooda shucuubta ku nool gobolka.