7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo Maanta Baledweyne gaarsiisay gargaar loogu talo galay dadkii ka barakacay Fatahaada
 

Talaado, November, 21, 2023 (HOL) - Hay'adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiisay gargaarkii ugu horeeyay ee loogu tala galay dadka ka barakacay Fatahaada ku dhufatay xaafadaha Baledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban Hirshabeelle Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa deeqdaan kula wareegay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Guddoomiye Sufuroow oo ka mahadceliyay deeqda gargaarka ayaa sheegay in waxyaabo lagu keenay hal diyaarad ama laba diyaarad aysan aheyn mid ku filan dadka reer baledweyne oo ay saameysay fataahada wabiga Shabeelle.

"Hay'adda Maareynta iyo Masiibooyinka qaranka waan kaga mahadcelineysa gargaarka ay maanta nagu wareejisay oo ah midkii koowaad ee looga soo jawaabo baaqii maamulka gobolka Hiiraan, dadka ugu daran ayaan gaarsiin doona, maadama aysan aheyn gargaar dabooli kara baahida dadka barakacay" ayuu yiri guddoomiye Sufuroow.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Sufuroow in fataahada dadka ku dhintay ay tiradoodu gaareyso inta la xaqiijiyay 12 ruux iyo laba qof oo uu tilmaamay in wali la la'yahay.

Si kastaba fatahaada Baledweyne ku dhufatay 12-kii bishaan ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, barakac iyo burbur hantiyadeed oo lagu qiyaasay in ka badan haaf Milyan doolar.