7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2023
Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxweyne Deni iyo mucaaradka inay si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda
 

Talaado, November, 21, 2023 (HOL) - Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay halista ka dhalan karta  xiisadaha colaadeed iyo abaabulka ciidan ee ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

War-saxafadeed kasoo baxay beesha caalamka, ayaa lagu sheegay in joogitaanka ciidamada ee magaalada gudaheeda ay cabsi gelinayso dadka shacabka ah, waxaana taasi ay keentay in iskuulada la xiro oo dadku ay sameeyaan barakac.

“Ma jirto wax cudurdaar ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog ah. Cabashada waa in si nabad ah oo wada hadal lagu dhammeeyaa. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.” ayaa lagu yiri warka beesha caalamka.

Saaxiibada caalamku waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan xaaladda, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, islamarkaas na ay wadahadallo degdeg ah yeeshaan dhinacyada isku haya siyaasada.

Warka kasoo baxay beesha caalamka ayaa yimid, iyadoo lagu waday in wakiillada socda beesha caalamka ay yimaadaan magaalada Garowe, si ay wada hadalo ula galaan mucaaradka iyo madaxweyne Deni.

Hase ahaatee, xiisadaha Garowe ka taagan ayaa baajiyay safarkoodii Puntland.