7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2023
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Garowe iyo Mucaaradka Puntland oo oggolaaday inay ciidamadooda magaalada ka saaraan
 

Talaado, November, 21, 2023 (HOL) - Maalintii labaad waxaa magaalada Garowe ka socda dadaalo nabadeed oo looga hortagayo in gacan ka hadal uu isku beddelo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxweyne Deni iyo mucaaradka.

Mas'uuliyiin aan la xiriinay ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay, in mucaaradka ay oggolaadeen inay ciidamada ka saaraan xaafadaha ay soo galiyeen, dibna ugu celiyaan xeryahooda ay kasoo tageen.

Dhinacyada kala duwan ee ku howlan dhexdhexaadinta darafyada, ayaa ku dadaalaya in miiska wadahadalka la iskugu keenaan madaxweyne Deni iyo mucaaradka, si ay uga wada hadlaan hannaanka doorashada ee khilaafku ka taagan yahay.

Guddiga dhexdhexaadinta ayaa la kulmay sarkaalka hoggaaminaya ciidamada mucaaradka taabacsan, waxaana uu sheegay inuu la qaatay nabadda, xabbadna uusan ka rididoonin magaalada Garowe.

Kornayl Jimcaale ayaa ka codsaday guddiga dhexdhexaadinta ugu tagay inay  xakameeyaan tallaabooyinka uu qaadayo baarlamaanka Puntland, taasoo uu sheegay inay horseedayso burburka Puntland.

Dhinaca kale, duqa magaalada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi oo isagana shacabka la hadlay, ayaa u sheegay in ay isdajiyaan, isagoo u xaqiijiyay in maamulku uu ka shaqeynayo in aanu dhicin wax amni darro ah ama dagaal ah.

Iskusoo wada duuboo, dadaalada socda ayaa  u muuqda kuwa madaxweyne Deni iyo mucaaradka lagu caddaadinayo inay xal ka gaaraan khilaafoodka siyaasadeed.

Waxaa hoos u dhacay dadkii magaalada ka barakacayay ee cabsida ka qabay in xaaladaha murugsani ay horseedaan dagaal mar kale ka dhaca magaalada Garowe.