7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2023
Raysal wasaare Xamse "Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseysa buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq"
 

Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta  degmada Dooloow ee gobolka Gedo u tagay u kuur galida xaaladaha Bani'aadanimo ee ka dhashay daadadka roobabka ka da'ay degmadaas iyo nawaaxigeeda.

Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha degmada Dooloow waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee shacabka degmadaas.

Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona gudaha magaalada masuuliyiinta maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Doolow oo uu ka dhageysan doono saameynta ka dhalatay daadadka iyo fataahada is barbar socda.

"Waxaan safaro kale ku imaan doona Magaalooyinka kale ee gobolka Gedo, Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseysa buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka bulshada" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse ayaa meelaha qaar ee uu kormeerka ku tagay kusoo arkay dhibaatoyinka ka dhashay daadadka iyo fatahada ku dhufatay degmada Dooloow, wuxuuna balan qaaday in dowladda intii karaankeeda ah wax ka qaban doonto xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada ee saameynta ku yeelatay dadka shacabka ah.