7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Sirdoonka Somaliland oo Burco ku qabtay hub iyo saanad ciidan

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa soo bandhigtay hub, dawooyin iyo dirays ciidan oo ay ku qabatay magaalada Burco.

Hay'adda ayaa qoraal iyo sawiro ay ku baahisay barta X ee hore loogu yaqaanay Twitterka ku sheegtay in ay qabatay hub iyo saanad ciidan oo loo waday magaalada Laascaanood.

"Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland ee NIA oo kaa shanaysa laamaha kale ee nabadgelyada, ayaa gobalka Todheer ku qabatey saanad millateri oo ka kooban, rasaas, dawooyin, iyo kabaha ciidamada, kuwaas oo lagu waday kooxaha huwanta ah ee Laascaanood" ayaa lagu yidhi Qoraalka NIA.

Qoraalka hay'adda laguma sheegin tirada saanada ay qabteen, halka laga keenay, iyo hadii ay jirto cid siday oo ku eedaysan in ay ku lug leeyihiin dhoofinta qalabkan ciidan.

Sirdoonka Somaliland ayaa hawlagalo ay fuliyeen bilihii u danbeeyay kusoo qabqabtay dad ku eedaysan argagixiso, budhcadnimo iyo basaasnimo.