7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
ATMIS oo sheegtay inay fashiliyeen weerarkii Shabaab ee Buulo Mareer
 

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ay kooxda Al Shabaab xalay saqdii dhexe ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Lt Col Mwachinalo oo la hadlay warbaahinta Hiiraan Online ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarka, isagoo intaas ku daray in uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray.

“Xalay deegaanka Buulomareer abbaare 21:00pm, ayaa dagaalyahanno lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab, waxay weerar kusoo qaadeeen saldhigga Buulomareer iyagoo isticmaalaya hubka fudud. Ciidamada ATMIS-ka ayaa ka falceliyay weerarkaas, sidaas waxaa yiri afhayeenka ciidanka ATMIS.

Bishii May 2023, Al-Shabaab ayaa weerar midkaan ka xooggan ku qaadday isla saldhigga ATMIS-ka ee Buulo Mareer, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho ah oo gaarayay in ka badan 50 askari oo Uganda ay ku weyday weerarkaas, iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub ciidankeeda looga furtay weerarkaas.

Dhawaan, dowladda Uganda waxay shaqada ciidanka ka erisay labo sarkaal oo katirsanaa ciidankeeda ka howlgalayay saldhigga Buulomareer, kuwaas oo lagu helay dambi ku saabsan in aanay ciidanka dagaal gelin, si ay isaga caabiyaan weerarka Alshabaab.

Uganda ayaa ah dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya. Ciidamadeeda ayaa inta ugu badan waxay ka howlgalaan gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeeladda hoose.