7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Dowladda Soomaaliya oo Safiirkii ugu horeeyay u dirtay dalka Eretariya
 

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo si rasmi ah uga guddoomay Safiirkii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya u dirto dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Eretariya Dr Cumar Idiris, kaasoo horey u soo noqday Safiirkii dalka Qatar u fadhiyay Soomaaliya sanadahii 2011 ilaa 2017-kii.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Eretariya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter-ka ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo safiirkii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya u fadhiista Eretariya.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah” ayuu ku yiri Danjire Cumar Idiris qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X.

Wuxuu sidoo kale sheegay Danjire Cumar iney ka go’an tahay ka shaqeynta xiriirka walaaltinnimo ee labada dal Soomaaliya iyo Eretariya oo leh taariikh dheer.