7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Nabadoonada Garowe: Madaxweyne Daniyow ciidanka aad kusoo daabushay magaalada haku ekaadaan xeryahooda
 

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Nabadoonada iyo waxgaradka kasoo jeeda magaalada Garowe ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ay u jeedinayaan siyaasiyiinta  mucaaradka iyo madaxweynaha Puntland.

Nabadoonada ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo magaalada Garowe, kuwaas oo ay sheegeen inay ka dhalatay xasarada haatan ka aloosan magaalada.

“Madaxweyne, waxaanu ku leennahay xaaladda daji. Madaxweynihii dalkaa tahay. Ciidanka aad keentayna, waxaanu ku leennahay oo kuugu baaqaynaa inayan shar ku noqonin ummadda, xeryahooda haku ekaadeen," ayay yiraahdeen nabadoonadu.

Sida ay nabadoonadu sheegeen, Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa gurigiisa ugu tagay madaxweyne Deni, waxayna isku raaceen ciidamada in aysan kasoo bixin xeryahooda.

Nabadoonada waxay dhinaca kale ugu baaqeen mucaaradka in ay isdajiyaan, oo ay xakameeyaan ciidankooda. Waxay sheegeen in loo turo dadka shacabka ah.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Garowe waxay maanta ku jirtaa jawi kacsanaan ah, iyadoo jihada Koonfur Galbeed ee magaalada Garowe, ay ku sugan yihiin ciidamada mucaaradka taabacsan, oo lagu arkayo gaadiidkooda dagaalka.