7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Ciidamo taabacsan mucaaradka Puntland oo Garowe ka sameeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Ciidamo taabacsan mucaaradka Puntland ayaa saakay waaberigii, waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay warbaahinta HOL, in ciidamadan ay dhaqdhaaqyadooda uga jawaabayaan, ka dib markii ay ku eedeeyeen madaxweyne Deni, inuu magaalada Garowe soo galiyay ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Ciidamadan oo kasoo baxay fariisimahooda ayaa difaac ka xirtay aagga hotel Cadduun. Hase ahaatee goor dambe ayay dib uga durkeen, ka dib markii waan waan loogu tagay.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa sabab u noqday in qoysas badan ay guryahooda uga qaxeen cabsi ay ka qabaan in dagaal dhaco.

Dadku waxay aad uga walaacsan yihiin waxa dhici kara berito oo uu baarlamaanka ka doodi doono ansixinta wax ka bedelka doorashooyinka.

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka iyo Isimada ayaa wada dadaalo lagu doonayo in looga hortago colaadda. Waxaan xogta ku helnay in odayaashu ay la kulmeen labada dhinac ayna kala hadleen in ciidamada la xakameeyo.

20-kii bishii June ee sanadkan, dagaal Garowe ku dhexmaray Siciid Deni iyo mucaaradka waxaa ku geeriyooday in ka badan 30 qof oo u badnaa dad shacab ah. Weli cidna isma weydiin khasaaraha shacabka soo gaaray.