7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah ku fulisay askari dhawaan dil geystay

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida oo bilawgii bishaan dil ugu geystay gudaha magaaladaasi Cabdullaahi Cali Hudey oo ahaa nin la dhashay taliyaha Booliiska Saldhigga degmada Guriceel.

Askari dilka toogashada ah lagu fuliyay saakay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Cali Axmed, kaasoo la sheegay inuu si bareer ah u  dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Hudey.

Askariga la toogtay ayaa maalmo kooban ka hor waxaa xukun dil toogasho ah ku riday Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kadib markii ay ku cadaatay inuu dilka geystay.

Shacabka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweeyay dilkaan toogashada ah ee saakay lagu fuliyay askariga ka tirsana NISA, iyagoona sheegay in toogashada ay tahay xalka kaliya ee looga hortagi karo dilalka micno darrada ah ee  loo geysto dadka rayidka ah.