7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhiga ATMIS ee magaalada Buula mareer

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay gudaha degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeyay ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo kuwa Kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadb markii xubno ka mid ah kooxda Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buula mareer.

Waxaa lasoo warinaya dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee aanan la ogeyn inta uu dhan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Buula mareer ayaa sheegaya in saakay ciidanka dowladda howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iney ka wadaan xaafadaha magaalada Buulo mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bishii May ee sanadkaan 2023 ayay aheyd markii Saldhga ATMIS ee degmada Buula mareer ay al-shabaab ku qaadeen weerar lagu laayay askar badan oo ka mid ah kuwa ATMIS ee ka socda dalka Uganda, islamarkaana weerarkaasi lagu qabsaday gaadiid badan oo ATMIS laheyd.