7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2023
Mucaaradka Puntland: Ma galayno wadahadal aan ahayn doorasho waqtigeeda ku dhacda

Axad, November, 19, 2023 (HOL) - Mucaaradka Puntland oo saxaafadda kulada magaalada Garowe, ayaa wada hadalkii madaxweyne Deni ee  arrimaha doorashooyinka, ku tilmaamay mid jees jees ah

Mucaaradka ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn wadahadal aan ahayn doorasho xilligeedii ku dhacda, iyo sidoo kale gacan saddexaad oo dhex dhexaadisa oo lagu kalsoon yahay.

Mucaaardku waxay sheegeen madaxweyne Deni inuu magaalada Garowe kusoo gurayo gaadiid dagaal iyo ciidamo katirsan kuwa PMPF, kuwaas oo ay sheegeen inuu doonayo inuu colaad uga abaabulo magaalada Garowe.

Dhinaca kale, mucaaradku waxay iska fogeeyeen warar sheegaya inay baarlamaanka weerarayaan haddii ay isku dayaan inay meel mariyaan xeerarka wax ka bedelka doorashooyinka.

Waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu ka dambeeyo in mucaaradka lagu shaabadeeyo inay weerarayaan xarumaha dowladda, iyagoo tilmaamay inay ku mashquulsan yihiin wacyi galinta soo xulida baarlamaanka.