7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2023
Raysal Wasaare Xamse "Muqdisho Maanta waxay la mid tahay dhanka amniga Caasimadaha kale ee Caalamka"
 

Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku tagey xerada Hiil weyne oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasillinta Caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Raysal wasaare Xamse oo la hadlaayay ciidanka xasilinta ee ku sugan xeradaas ayaa u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta sida ay u xaqiijiyeen amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho mudo gaaban.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaaraha in Muqdisho maanta la mid tahay dhanka amniga Caasimadaha kale ee Caalamka, iaagoo xusay in taasi ay ku timid dadaalka ciidanka ee ku aadan wax ka qabashada wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga guud ee Muqdisho.

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaare Xamse ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kormeerkaan uu maanta ku tagay Raysal wasaaraha Soomaaliya xerada Hiil weyne ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe uu si weyn u soo hagaagayay amaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.