7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2023
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool
 

Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Miinkeey oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa sidoo kale intuu socday waxaa lagu khaarajiyay sadax xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, waxaana sidoo kale ciidamada ay ku furteen hubkii ay wateen xubnaha Shabaabka ee la dilay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah ee lagu beegsanayo meelaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Maalmahii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bakool waxaa ka socday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gobolkaas.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale saraakiishu waxay sheegeen inuu bilow yahay dadaalada lagu doonayo in dhamaan deegaanada Koofur Galbeed looga saaro kooxda Al-shabaab.