7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2023
Tirada qoysaska ku barakacay fatahaada Baledweyne oo la shaaciyay
 

Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne bilowgii todobaadkaan iney ku barakaceen 270 kun oo qoys.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban Hirshabeelle Cabdullaahi Axmed Maalin sufuroow ayaa sidoo kale sheegay in dadka barakacay ay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Gudoomiye Sufuroow ayaa ugu baaqay hay'addaha gargaarka iyo hay'adda SODMA iney gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka reer Baledweyne ee sida weyn u saameysay fatahaada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wado dadaaladii ugu dambeeyey ee la xeriira ka dabataga maareeynta Masiibooyinka ka dhashay Fatahaadaha sameeysay guud ahaan xaafadaha Baledweyne.

Waxaa la xaqiijiyay in fatahaada ku dhufatay magaalada Baledweyne iney ku geeriyoodeen dad gaaraya ilaa 9 ruux.