7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2023
Madaxweyne Deni oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweyne Xasan Sheikh
 

Isniin, November, 13, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabbdullaahi Deni ayaa diyaar u ah inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, si looga wada hadlo arrimaha la isku khilaafsan yahay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Laing, oo todobaadkan booqasho ku tagtay magaalada Garowe, ayaa xustay in madaxweyne Deni ay ka maqashay war ay ku faraxday oo ah, inuu diyaar u yahay inay wada hadlaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheikh.

“Waxaa i dhiirri galiyay inaan ka maqlo Madaxweynaha Deni, inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ugu dambeyntii uu si weyn uga fikiray nooca arrimaha u baahan in miiska la soo saaro, si loo xaqiijiyo in Puntland aragtideeda miiska la geeyo. ” ayay tiri wakiilla Qaramada Midoobay.

Wakiilka Qaramada Midoobay waxay raacisay inay madaxweyne Deni kawada xaajoodeeen xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka, in Puntland metelaadeeda ay muuqato.

Waa markii labaad oo ay wakiilka Qaramada Midoobay timaado Puntland, tan iyo markii loosoo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale Deni kala hadashay doorashooyinka Puntland kusoo wajahan in ay ku dhacaan si xasilooni iyo jawi nabadeed ku dheehan tahay.

Waxay mar kale ku celisay baaqeeda ku aadan in Somaliland iyo SSC- Khaatumo ay is dhaafsadaan maxaabiista labada dhinac, iyadoo sheegtay inay arrintaas kala hadashay, Muuse Biixi, Siciid Deni, Isimada Dhulbahante iyo maamulka SSC.