7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2023
Somaliland oo ciidanka millateriga ku daraysa ciidamo beeleedyo dhawaan ku dagaalamay gobolka Sanaag

Isniin, November, 13, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ciidankeeda millateriga u qorayso ciidamo beeleedyo dhawaan ku dagaalamay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

Kadib heshiis laga gaadhay dagaalo dhawaan degmada Ceel-afwayn ku dhexmaray beelo halkaa wada daga, ayaa lagaga dhawaaqay in ciidamo beeleedyada dagaalamay lagu dari doono millateriga, sida saraakiisha ciidanku shirka kaga dhawaaqeen.

"Laga bilaabo maanta wakhti ayaanu u qabanaynaa, labada dhinacba waanu rabnaa ciidankoodii isaga oo sidiisii ah, inta anay nala galin in aanu anagu wax eryano, waxa ay kamid noqon doonaa ciidankaa ay Somaliland leedahay ee amniga" Mid kamid ah saraakiisha ayaa sida yidhi.

Waxa ay sheegeen in qaramaynta ciidamadii dagaalamay ay kamidtahay dhaarta nabada ee lagu dhaariyay odayaasha labada dhinac, oo balan qaaday heshiis iyo nabad.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo isna goobta ku suganaa, ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamo beeleedyada dagaalamay lagu darayo millateriga.

"Waxaanu isla qaadanay labadaa ciidan ee is horfadhiya, ee imika qoriga isku sitay, in iyaga iyo qalabkoodaba in halkaa lagu qarameeyo ayaanu isla qaadanay" ayuu yidhi Guddoomiye Axmed.

Colaad beeleeda Ceel-afwayn ayaa noqotay mid loo maaro waayay, iyada oo markasta oo dhinacyadu heshiis gaataanba ay hadana xabad isku bilaabaan.