7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay kulan deg deg ah oo yeesheen Golaha Wasiiradda

Isniin, November, 13, 2023 (HOL) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan deg deg ah oo looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’aya qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaana kulanka shir guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn madaxweynaha warbixin ku saabsan gurmadka socda ka siiyay, isagoona sheegay in Xukuumaddiisa ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dhbaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fataahada ee saameyay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay Xukuumadda Fedaraalka dadaalka ay ku bixineyso samatabixinta dadka Soomaaliyeed, isagoona ka dalbaday Xukuumada iney sii laba jibaarto howlaha gurnadka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney isaga goobaha qatarta ah, sida godad iyo goobaha biyo mareennada ah.

Waxaa sidoo kale kulanka Golaha lagu meelmariyey Xeer nidaamiyaha Nidaamka Xaqiijinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta, kaasoo looga golleeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la socodka iyo kor joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Gabagabadii gddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ka qeybgalay kulankan deg dega ah ayaa  Golaha Wasiiradda Warbixin ka siiyay saameynta roobabka ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka gobolka Banaadir.