7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2023
Wararkii ugu dambeeyay fatahaada Baledweyne iyo dad maanta ku geeriyooday
 

Isniin, November, 13, 2023 (HOL) - Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyootay maanta biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Laba ruux ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu ku dhintay buundada loo yaqaano Nuur xawaad oo uu doonayay inuu maro si uu u tago dhulka taaga ah ee loo barakacay ee ku yaala duuleedka Baledweyne, kaasoo biyaha xoogooda ay qaadeen.

Qofka labaad oo ahaa askari ka tirsana ciidanka Asluubta ayaa isna ku geeriyooday gudaha xerada lamagalaay oo ka mid ah meelaha biyuhu sida weyn u saameeyeen, waxaana wararka qaar sheegayaan iney dishay koronto biyaha ku dhex jirtay.

Biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay Baledweyne ayaa saacadba saacada ka dambeysa sii kordhaya, waxaana biyuhu ay galeen xaafado dhowr ah aysan horay u gali jirin biyaha wabiga Shabeelle.

Si kastaba ha ahaatee fatahaadaan ku dhufatay magaalada Baledweyne ayaa noqotay tii ugu baaxada weyneyd tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1981-kii.