7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2023
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in dalka guud ahaan uu galay xaalad deg deg ah

Axad, November, 12, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan dalka inuu galay xaalad deg deg ah, kadib roobab mahiigaan ah iyo fatahaado is barbar socda oo saameyay dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xusay in daadadka iyo fatahaada ka jirta qaar ka mid ah gobolada dalka iney ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed oo baaxad leh.

Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta in daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada iney ku barakaceen dad gaaraya 500,000, islamarkaana ay ku dhinteen dad gaaraya 31 qof.

“Dhibaatada waddanka ka jirta oo ay sababeen fatahaadaha iyo Roobabka xooggan, taas oo keentay in dowladdda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in waddanka uu galay xaaladda degdeg ah, si loogu gurmado dadka ay dhibaatooyinka ay soo gaareen iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka ay fatahaadahu dalka ka geysteen" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qaar ka mid ah gobolada dalka ay wali ka da'ayaan roobab iyo waliba fatahaado oo saameen ku yeeshay nololsha dad badan oo markii horeba la daalaan dhacayay nolol maalneedkooda.